Invoice iyo rasiid: sida loo sameeyo qaansheeg xirfad leh
Qaansheeg cad wuxuu dhisaa kalsooni, wuxuuna kaa caawiyaa in waqtigeeda lagu bixiyo.
1 daqiiqo akhris
Sawir: Unsplash
Waraaq gacan lagu qoray ama farriin WhatsApp ah oo leh "lacagtu waa $300" ma aha qaansheeg. Macaamiisha, gaar ahaan shirkadaha iyo hay'adaha, waxay u baahan yihiin dukumenti cad oo ay ku diiwaangeliyaan.
Saddexda dukumenti
Quotation (qiimeyn): ka hor shaqada. Waxay sheegaysaa waxa la qabanayo iyo qiimaha.
Invoice (qaansheeg): marka shaqada la qabtay ama alaabta la keenay. Waa codsi lacag-bixin.
Receipt (rasiid): marka lacagta la bixiyay. Waa caddayn.
PDF u dir, ha u dirin sawir: PDF wuxuu u muuqdaa mid xirfad leh, laguma beddeli karo si fudud.
Hayso nuqul: kaydi invoice kasta aad dirto, si dhammaadka bisha aad u ogaato cidda lacagta kugu leh.
Samee mid hadda
Invoice maker-ka Toos waxaad ku samayn kartaa invoice, quotation iyo rasiid leh astaantaada, kadibna PDF ahaan u soo dejisan kartaa. Bilaash, bilaa diiwaangelin.
Gabagabo
Qaansheeg nadiif ah wuxuu muujinayaa in ganacsigaagu yahay mid hab leh. Wuxuu sidoo kale dedejiyaa lacag-bixinta, maadaama macmiilku si cad u arkayo waxa uu bixinayo iyo goorta.