Naqshad website oo gacan lagu sawiray warqad, qalin oranji ah agtiisa
Sawir: Unsplash

Ganacsiyo badan ayaa lacag ku bixiya website ama nidaam, kadib waxay helaan wax aan shaqaynayn, aan la dhammaystirin, ama aan la gaari karin marka qofkii dhisay meesha ka baxo. Inta badan dhibaatadu ma aha farsamo; waa su'aalo aan la weydiin bilowga.

Ka hor intaadan bilaabin

1. Dhibaatadee ayaan xallinayaa? Ha bilaabin "waxaan rabaa app". Bilow "xisaabaadka iibka ayaa naga lumaya". Mararka qaarkood xalku waa Google Sheets, ma aha nidaam cusub.

2. Yaa isticmaalaya? Shaqaalaha, macaamiisha, ama labadaba? Taleefan mise kombiyuutar? Internet xoog leh mise gaabis ah?

3. Waa maxay yoolka la cabbiri karo? Tusaale: "Warbixinta iibka bisha 10 daqiiqo ku diyaari, halkii 2 maalmood."

Marka aad dooranayso cidda dhisaysa

4. Ma arki karaa shaqo hore oo dhab ah? Weydii link-yo shaqeynaya, oo la hadal macaamiil hore.

5. Ma leedahay qoraal cad oo baaxadda ah? Waxa la dhisayo, waxa aan la dhisayn, qiimaha, iyo waqtiga, dhammaan qoraal.

6. Lacagta sidee loo bixinayaa? Marxalado ku xiran shaqo la dhammeeyay ayaa ka badbaado badan lacag dhan oo hore loo bixiyo.

Lahaanshaha iyo mustaqbalka

7. Yaa iska leh code-ka, domain-ka iyo xogta? Waa inay noqdaan magacaaga, akoonnadaada.

8. Maxaa dhacaya haddii cidda dhistay ay meesha ka baxdo? Ma jiraa dukumenti iyo code uu qof kale sii wadi karo?

9. Yaa dayactiraya, ammaankana ilaalinaya ka dib? Hosting, backup, cusboonaysiin: kharashkooda iyo cidda mas'uulka ah.

10. Tababar ma jiraa? Nidaam aan shaqaaluhu garanayn isticmaalkiisa waa lacag lumay.

Gabagabo

Su'aalahan isticmaal mar kasta, cidda aad la shaqaynaysaba. Cid daacad ah ayaa ku farxaysa su'aalahan; cid ka cararta, taasi lafteedu waa jawaab.

Akhri sidoo kale: Domain iyo hosting: .so, .com iyo sida loo doorto.

Ma rabtaa in lagaa caawiyo?

Noo sheeg sida ganacsigaagu hadda u shaqeeyo. Wada-hadalka koowaad waa bilaash.

Nala soo xiriir