Server-yo iyo fiilooyin ku jira armaajo server
Sawir: Unsplash

Marka aad maqasho "website samee", laba eray ayaa had iyo jeer soo baxa: domain iyo hosting. Si fudud loogu fahmo, ka fikir guri.

Domain = cinwaanka

Domain waa magaca dadku ku qoraan browser-ka si ay kuu helaan, tusaale toos.so ama google.com. Waa sida cinwaanka gurigaaga: wuxuu dadka u sheegaa meesha ay imaanayaan.

Domain sannad kasta ayaa la cusboonaysiiyaa. Haddii la illoobo, qof kale ayaa iibsan kara.

Hosting = dhulka guriga

Hosting waa kombiyuutar (server) internetka ku xiran oo kaydiya faylasha website-kaaga: qoraalka, sawirrada iyo xogta. Waa sida dhulka uu gurigu ku dhisan yahay.

.so mise .com?

  • .so waa domain-ka dalka Soomaaliya. Wuxuu si cad u muujinayaa inaad Soomaali tahay ama Soomaaliya u adeegto.
  • .com waa caalami, dadka badankoodna way yaqaanniin. Ku habboon haddii suuqaagu caalami yahay.

Ganacsiyo badan ayaa labadaba iibsada, midna ku leexiya midka kale, si aysan qof kale u qaadan.

Talooyin doorashada domain

  • Gaaban oo fudud in la higgaadiyo
  • Ka fogee lambarrada iyo xarriiqyada (-) haddii suurtagal tahay
  • Ku diiwaangeli magacaaga ama magaca shirkaddaada, ma aha magaca qof kale ee kuu dhisaya

Qodobka ugu dambeeya waa muhiim. Ganacsiyo badan ayaa lumiya domain-kooda maxaa yeelay waxaa iibsaday qof kale oo hadda aan la heli karin.

Waxa hosting wanaagsan leeyahay

  • SSL (https) bilaash ah
  • Backup joogto ah
  • Xawaare iyo server ku dhow macaamiishaada
  • Taageero la heli karo marka dhib dhaco

Gabagabo

Domain iyo hosting waa aasaaska website kasta. Ha ku dhaafin cid kale gacanta: hubi in akoonnadu magacaaga ku diiwaangashan yihiin, oo aad haysato furayaasha galitaanka.

Akhri sidoo kale: Facebook, WhatsApp iyo website: sida saddexda loo isku xiro.

Ma rabtaa in lagaa caawiyo?

Noo sheeg sida ganacsigaagu hadda u shaqeeyo. Wada-hadalka koowaad waa bilaash.

Nala soo xiriir