Gacan haysa taleefan ay ku furan yihiin sawirro
Sawir: Unsplash

Waxaad soo qaadday sawir qurux badan oo alaabtaada ah. Markaad Instagram ku dhigto, madaxa ayaa go'ay. Markaad Facebook ku dhigto, wuu mugdi noqday. Dhibaatadu badanaa waa cabbirka.

Cabbirada caanka ah (pixels)

MeeshaCabbirkaSaamiga
Instagram post (labajibbaaran)1080 × 10801:1
Instagram post (dherer)1080 × 13504:5
Instagram Story / Reels1080 × 19209:16
TikTok video1080 × 19209:16
Facebook post1080 × 1080 ama 1200 × 6301:1 / 1.91:1
Facebook Story1080 × 19209:16
WhatsApp Status1080 × 19209:16
Sawirka profile-ka400 × 400 ugu yaraan1:1

Baraha bulshadu mar mar ayay beddelaan cabbirada. Haddii aad shaki ka qabto, eeg bogga caawimaadda (Help Center) ee barta.

Talooyin sawir tayo leh

  • Meelaha badbaadada: ha dhigin qoraal muhiim ah xagga sare iyo hoose ee Story-ga, maxaa yeelay magaca iyo badhamada ayaa daboola
  • Iftiin dabiici ah: ku sawir daaqad agteed, ma aha nal huruud ah
  • Hal sawir, dhowr cabbir: sawir ka weyn cabbirka u baahan, kadib u jar cabbir kasta
  • Yaree cabbirka faylka: sawir aad u weyn wuxuu gaabiyaa website-ka iyo dirista

Si degdeg ah u beddel cabbirka

Toos waxay diyaarinaysaa Image resizer bilaash ah oo hal mar sawirro badan ugu beddelaya cabbirada Facebook, Instagram, TikTok iyo WhatsApp, taleefankaaga dushiisa. Waxaad ka heli doontaa toos.so/tools.

Gabagabo

Sawir cabbir sax ah wuxuu muujinayaa in ganacsigaagu yahay mid xirfad leh. Kaydi miiskan, oo isticmaal mar kasta oo aad wax dhigayso.

Ma rabtaa in lagaa caawiyo?

Noo sheeg sida ganacsigaagu hadda u shaqeeyo. Wada-hadalka koowaad waa bilaash.

Nala soo xiriir